Nairobi (dayniiile.com)-Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamud Axmed Nuur Tarsan ayaa si cad u sheegay inuu shaqada ka tagayo islamarkaana Safiir kale Dowladu dhawaan soo magacaab doonto.

Danjirre Tarsan wuxuu xusay in Bishaan bartamaheeda ay ugu egtahay waqtigiisa shaqada Safiirka Kenya.

Advertisement

” Safiirka la igu badalaayo wali maaha qof aan aqaan laakiin Dowladaa ka sugeynaa”ayuu yiri Danjirre Tarsan

Marar badan ayaa hore  warbaahinta Soomaalidu hore u shaacisay in Dowladu badaleyso safiirka Kenya.

Muuqaal uu hore u sii daayay  Tv-ga Horn Cable ayaa lagu arkay Tarsan oo booqanaya ciyaartoy Somalliayeed  kuwa orodada oo tababar ku qaadanayay Nairobi.

Tarsan wuxuu u sheegay ciyaartoyda inuu ugu yimid sagootin madaaama uu shaqada ka tagaayo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleQaramada Midoobe oo mar kale ku baaqday xabad joojin bini’aadantinimo
Next articleCiidamada Dowlada oo deegaan cusub kala wareegay Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here