Hay’ada Qaramada Midoobe ayaa mar kale soo saartay war qoraa ah oo ay ku baaqayaan xabad joojin bini’aadantanimo xili hore dhowr mar loogu fashilmay.

Hay’adaha hoos taga Qaramada Midoobe sida UNICEF, WHO, WFP – iyo Save the Children ayaa si adag uga hadleen xaalada Gaza baaqooda kadib waxayna ku tilmaameen khasaaraha dhimashada ee sii kordhaya wax aad looga naxo.

Advertisement

Waxaa sii badanaya xaalada dhimashada,dhaawaca, barakaca iyo burburka uu geysanayo duqeymaha Yuhuudu sida waalida ah ay ugu hayaan marinka Gaza.

Baaqa Qaramada Midoobe ayaa imanaya mar kale madaama Yuhuudu s cad hore ugu diideen xabad joojinta iyagoo ku adkeysanaya inay dagaalka sii wadayaan ilaa iyo inta ay Gaza kaga saarayaan Xamaas.

Dhanka kale Hay’adahaan ayaa Xamaas ugu baaqay inay sii daayaan lahaystayaasha Yuhuuda xili ay iska indha tirayaan xasuuqa Yuhuudu ku heyso shacabka reer Falastiin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleRa’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ganacsatada kala hadlay arimaha roobka
Next articleDanjirre Tarsan ” Safiirka la igu badalaayo wali maaha qof aan aqaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here