NEW DELHI (DAYNIILE.COM)-Nin Darbi jiif ah oo u dhashay Dalka India ayaa Bishii December sanadkii dhamaaday waxay Dowladiisu u aqoonsatay geesi Qaran kadib markii uu gacan ka geystay badbaadinta 41 nin oo ku go’doonsan tunnel Himalayan ah.

Arinta la yaab ka leh ayaa ah in isla dowladii shalay kor u qaaday shaqsiyadiisa inay maanta hadana hoy la’aan dhigeen isla iyagii oo uu meel cidlo ah ku hoyanayo habeenadaan danbe.

Advertisement

Sababta sheekadaani ku dhacday ayaa ah in Ninkaani oo muslim Hindi ah uu deganaa hoy sida Dowladu ku andacooneyso ku yaal dhul dowlada ay leedahay sidaas daraadeedna amar dowlo lagu dumiyay gurigiisii.

Gabar yar uu dhalay oo iskuuley ah waxaa ka baaqday Imtixan ay iskuulkeeda ku geli lahayd markii buugaagtii,agabkii waxbarashada iyo guud ahaan guriga wixii qalab ka yaalay cagatu dul martay.

Gabadhaan ayaa oysay oo ilin ay ka soo daatay labadeeda indhood sida aad sawirka ka arki karto.

Howlgalkaani burburinta ayaa ka dhacay Arbacadii  Xaafaaamulku dumiyay deegaanka Khajuri Khas,

Wakeel Hasan wuxuu ku andacoonayaa isaguna inaan lagu war gelin duminta guriga oo aan la dhihin is diyaariya,sidoo kale qareen isaga u doodaya ayaa ku andacooday in guriga ninkaani reer tabareedka ah uu degan yahay 10.

“Hadii dhulka la duliyay uu yahay dhul Dowlo siduu Wakeel Hasan ku daganaa 10 sano” ayuu yiri qareenka

Wakeel Hasan oo isagu laftiisu ooyay ayaa ku celceliyay sababta kaligiis loo bartilmaameedsaday ay tahay inuu ka soo jeedo dadka laga tirada badan yahay.

Booliiska New Delhi ayaa ka xireen Wakeel Hasan afaafka hore ee gurigiisa oo ah guri dabaq ah oo laba qol ka kooban oo qoyskiisu daganaayeen in ka badan 10 sano.

xaafada la dumiyay ayaa ah mida ay degan yihiin dadka reer tabareedka waxaana lagu magacaabaa Khajuri Khas.

“Xitaa ma eegi karo gurigan la dumiyay mana ooyi karo,” ayuu yiri  Hasan oo la hadlaayay Al Jazeera.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Wakeel Hasan, 45, a rat-hole miner who saved 41 trapped workers during a tunnel rescue, stands on a rubble-filled plot where his house was demolished by Indian authorities. [Md Meharban/Al Jazeera]

Aliza Hasan, 15, Wakeel Hasan's daughter, tears down as she sees her home demolished in India's capital, Delhi. [Md Meharban/Al Jazeera]

Previous articleMasuul ka tirsan Xafiiska Ra’iisulwasaaraha oo is casilay
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh VS Mucaaradka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here