Waxaa Magaalada Muqdisho laga dareemayaa inuu si tartiib tartiib ah u bilaabanayo loolankla siyaasadeed iyo gulufka loogu jiro  isbahaysiyo siyaasadeed oo ka dhan Madaxweyne Xasan.

Waxaa muuqaneysa in Madaxweynayaal hore iyo Xildhibaanada xiligaan Shariif iyo Farmaajo inay is fahmeen halka Ra’iisulwasaarayaal hore iyo siyaasiyiin kalana saf kale ku jiraan walow aaney kooxina wali ku dhawaaqin Xisbi ay ku mideysan yihiin.

Advertisement

Ra’iisulwasaarihii hore Xasan Cali Kheyre waxaa la hadal hayaa inay is fahmeen Madaxweynaha Puntland Saciid dani ,Shariif Xasan iyo C/raxmaan Cabdi-shukuur.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo fursad weyn ka dhex arka midow la’aanta mucaaradka ayaa laftiisu la arki doonaa sanad kadin talaabooyinka uu qaado marka la eego u diyaar garowgiisa inuu markii sedexaad is tijaabiyo inuu madaxweyne ka noqon karo Soomaaliya.

Siyaasiga ugu saameynta badan Mucaaradka Xasan Cali Kheyre ahna Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya  iyo Saciid Dani oo ah Madaxweynaha Puntand ayaa doorashadii 2022 ee Xasan ku soo baxay waxay ka dhigeen dhoola-tus aan marnaba labadoodaba laga filan karin taasoo kor u qaadeysa rajadooda doorashooyinka 2026 hadii Rabi na gaarsiiyo.

No description available.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleDarbi-Jiif maalmo ka hor geesi qaran loo aqoonsaday oo maantana hoygiisii la burburiyay
Next articleMadaxweynaha Hirshabelle oo maanta dhagax dhigay dhismaha wado muhiim ah+SAWIRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here