Gudoomiyaha hay’adda maareynta Musiibooyinka Qaranka ee Soomaaliya Maxamuud Maaclin Cabdulle ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynaha dowlad Goboleedka  Jubaland Axmed Maxamed Islaam Oo kusugan Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo kadhacay hoyga uu madaxweyne Axmed kadaganyahay caasimada ayaa waxaa goob Joog ka ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland Axmed Xasan Cumar iyo mas’uuliyiin kale.

Advertisement

Kulanka waxaa diirada lagu saaray gurmadka dadkii ay Musiibooyinka saameeyeen ee Jubaland gaar ahaan dadkii kabara kacay Ceel Cade iyo Gerilley ee Gobolka Gedo, halkaas oo ay ka dhaceen duqeymo diyaaradeed.

Gudoomiyaha hay’adda maareynta Musiibooyinka Qaranka  ayaa soo bandhigay dadaalada hay’ada ee dhanka mashaariicda oo dhawaan lafilaayo iney ceelal biyood kahirgeliso deegaano kamid ah Jubaland iyo dhismaha xarunta gurmadka dagdaga ah ee Jubaland oo ay kawada shaqeynahaan SODMA iyo wasaaradda Gargaarka Jubaland.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka  Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa uga mahad celiyay Madaxda hay’adda Maareynta musiibooyinka dadaalka ay wadaan ee a u gurmashada dadka ay dhibaatooyinka soo gaaraan, isaga oo ugu baaqay inay laba jibaaraan dadaalkooda.

Previous articleNiger: Madaxweyne Maxamed Bazoum oo Mareykanka ugu baaqay in la caawiyo afgambigii ka dib
Next articleFaahfaahinta Weerarki lagu qaaday saldhig kuyaalla Gobolka Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here