Dhoola cadeeynta Md. Xassan Sheikh ha ku sirmin.
(Wax Akhyaar loogu maahmaaho malehe) .
Nin Ingiriis ahaa oo yahuuda aad u necbaa ayaa Baar soo galay, isaga oo khamri cabayo ayuu arkay Nin yahuud ah oo u muuqdo Nin danyar ah oo meel dhinaciisa ah fadhiyo. Shaqaalihii Baarka ayuu ku yiri: Dadka Baarka fadhiyo oo dhan Cabitaanka ay dalbadaan sii, intaan ka aheyn Yahuudkaa Qurunka ah.
Kadibna, Waxa uu fiiriyay yahuudkii si uu u arko xanaaqa ka muuqado, laakin waxa uu arkay Yahuudkii oo dhoola cadeynayo.
Ninkii Ingriiska ahaa waa carooday waxa uuna shaqaalihii ku yiri: Dadka Baarka fadhiyo oo dhan sii Cuntada ay dalbadaan oo dhan Maanta Anigaa qadadooda qabo oo ay ii casuumanyihiin, intaan ka aheyn Yahuudkaa wasakha ah.
Dadkii waa wada qadeeyeen. Waxa uu fiiryay dhinicii yahuudka waxa uu arkay yahuudkii oo dhoola cadeeynayo.
Waxa uu u yeeray Ninkii Baarka ka shaqeeynayay waxa uu ku yiri: Ninkaani ma dhagoolaa mise waxa uuna fahmeyn Af ingriiska.
Ninkii Baarka ka shaqeynayay ayaa yiri: Af ingriiska si fiican ayuu u yaqaan, waana Ninka Makhayadda iska leh.
Qofba Dabeecad ayaa Alla u abuuray, Dadka Md. Xassan shiekh caaynayo ee sii xanaaqayo marka uu Qoslo. Md.Xassan waxa uu ogayahay Haddii ay Caayaan oo waxa ay ka sheegyeen ay Run tahay in uu iska saxayo Khaladka Makhaaydda Siyaasaduna u gadmee.
Haddiise ay Caaydo tahay Been siyaasadeed in Aakhiro Dambi looga wareejinayo isaga oo lagu wareejinayo kii Beenta ku caayayay. Qosolkiisa, Adigoo ku xumeeynayo Qaan ha qaadin.

Iska hubi Qosalka Qofka inta aadan ku xoola beelin oo aadan wakhti isaga dhumin. (F.S: 1-8aad)

Qore: Yahya Amir
May be an image of 1 person and dais
May be an image of 1 personMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and beardMay be an image of 1 person and text
Previous articleDEG DEG: Nin Dil ka geystay Nairobi oo Muqdisho lagu qabtay
Next articleRun miyaa, ma ogi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here