Ustaad: Axmed Muxumad ayaa yiri:
Marxuumad Khadijo Maxamed Diiriye AUN Laba Maalin oo isku xigto,
A. Shalay Waxey ku Safartay Qeybta VIP da Diyaaradda Waana Loo Adeegayay Ayadoo Madax ah.
B. Maanta Waxaa Lagu Keenay Qeybta Boorsoyinka La Galiyo Ayadoo Meyt ah, Xataa Qeybta Kuraastii Binu aadam-ka Looma Ogolaan.
A. Shalay Waxaa Lagu Galibiyay Markey Safreysay Baabur aan Xabad Karin oo Raaxo ah, Ciidan iyo Farxad.
B. Maanta Waxaa Lagu soo Dhaweeyay Ambalace, Sariir Naxash ah iyo Murugo.
A. Shalay Title Badan ayaa Loogu Yeerayay Wasiirad,
Xilibaanad, Maamo, Wadaniyad, Xidigta Siyaasada Soomaaliya.
B. Maanta Magaca Kaliya ay Wadato Waa Marxuumad iyo Meyt.
A. Shalay Guri Qurxoon iyo Sariir Raaxo Leh ayeey Ka Tagtay iyo soo Dhaweyn.
B. Maanta Waxaa Loo Wadaa God Mugdi ah oo Caro Korka Looga Shubayo Waxbana Oolin, Dadkuna Leeyihiin inaga Boobsiiya.!
A. Shalay Akoono Banki ayaa lacagu ugu jirtay, Guri Qurxanna waa deganeed.
B. Maanta Waxey Shaqeysatay oo Camal ah oo Kaliya Ayeey Allaheeda La hor tagee Hantideediina Waa Dhaxal.
Waa Xaal Aduunyo Marka Haku Kadsoomin Dhaldhalaalkeeda una Shaqeyso Bari Waxaad Allahii ku Abuuray La hortagi Laheed.

Waano iyo Cibro Ayaa Noogu Sugan.

Allaha u Naxariisto Maama: Khadiijo diiriye, ducada Ustaad Axmed muxumed iyo Asaxaabta kalena Alla ha u aqbalo.

Qore: Yahya Amir
May be an image of 1 person and smilingMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 17 people, lighting and daisMay be an image of 8 people and aircraft
Previous articleDhoola cadeeynta Md. Xassan Sheikh ha ku sirmin.
Next articleDEG DEG: Dowlada oo guul ka sheegatay Dagaal goor ka bilowday deegaanka Jeex-jeex

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here