AMSTERDAM: Qaar ka mid ah waxgaradka Soomaalida ee ku dhaqan waddanka Holland ayaa mar kale baaq u diray culumaa’udiin uu ka mid yahay Sheekh Mustafa Haaruun Ismaaciil oo ka mid ah culumada Soomalida ee loogu jecel yahay.

Caaqil Kaahin & Axmed Qaline oo ka mid ah waxgaradka Soomaalida, ayaa ugu baaqay culumaa’udiinka Soomaalida ee lagu wado in maalmaha soo socda ku qabtaan mutamar masjidka Quba, ee ku yaal Amsterdam in ay marka hore xal u raadiyaan khilaafka ka dhexeeya Guddoomiyaha maamulka masjidka Sheekh Suldaan Gasle & 2da xubnood ee guddiga kala tirsanaa.

Advertisement

Caaqil Kaahin oo wareysi siiyay mid ka mid ah warbaahinta Soomaalida, ayaa ku nuuxnuuxsaday in kooxda masjidka ku haray ay wax kasta ka hormarinayaan dantooda shaqsiga ah, iyaga oo meel iska dhigay dantii caamka aheyd, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay dadka Soomaalida ah inay sheeda ka daawadaan dulmiga loo geysanayo daacigii ugu weynaa culumada ku dhaqan Holland.

“Soomaalidu marka dhibku dhaco un bay baraarugaan, siddeey ku dhici kartaa in masjidkii ay ummaddu wada dhisatay, ay ku amar ku taagleeyaan dhowr qofood oo dantoodii ka dhex arkay in ay bannaanka dhigaan waddaadkii hormuudka u ahaa dhismaha masjidkaasi, haddii aan tacadigaasi laga dhiidhin annaga ayeey innagu tahay ceeb & wejigabax” Ayuu yiri Caaqil Kaahin, isaga oo ka codsaday culimada inta aysan mutamarka qaban in ay la xiriiraan dadka Soomaalida ah oo ay dhageystaan, haddii aysan sidaa yeelin oo ay ku adkeystaan in ay muxaarado ku qabtaan masjidkana ay suurtagal tahay in halkaasi buuq ka dhasho, oo dad Soomaali ah oo ka ciil-qaba dulmiga raggaasi ay u geysteen waddaadka Sheekh Suldaan in ay goobtaasi yimaadaan.

Axmed Qalinle oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida ayaa dhinaciisa wuxuu soo jeediyay inta khilaafka laga xalinayo in mutamarka lagu qabto masjidka ku yaal Magaalada Tilburg.
“Walaalayaal hadda waxaan maqleynaa mutamar baa la iclaamiyay, waxaa nasiib darro ah in dadka aan waxgaradka aheyn loogu sheekeeyo waddaadku wuxuu diidan yahay dacwada & mutamarka” Ayuu yiri Axmed Qalinle, wuxuuna intaasi ku daray:
“Mutamar cid diidan ma jirto, mutamarkaa masjidka Quba haddaan lagu qabaneyn mid jiro ma ahan miyaa.? Masaajidka wuu noo furan yahay, arday baa inoo dhigata, meydkaan ku asturanaa, laakiin haddii aad shalay ku nabad gasheen inaad Sheekhii masjidka aasaasay aad bannaanka dhigteen, ma u maleynayo inaad ku nabadgaleysaan inaad mutamar ku qabataan iyadoo aan wax xal ah laga gaarin khilaafka”

 

Previous articleDuqa Muqdisho oo maanta xariga ka jaray dhismaha Waddada Laamiga Via Liberia+Sawirro
Next articleHogaamiye Alshabaab ka tirsanaa oo isku soo dhiibay Dowlada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here