Sarkaal ka tirsanaa dagaal-yahanada Alshabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada Xoogga Dalka ee fariisinka ku leh  deegaanka Goof Gaduud Buurey ee Gobolka Bakool.
Sarkaalkaan oo magaciisa lagu sheegay Muqtaar Maxamed Isxaaq (Rabaani ) ayaa ahaa Hogaamiyaha Jabhada Alshabaab ee Gobalka Bokool.
Ciidamada Ururka 46-aad Ee Guutada 8-aad Qeybta 60-aad Milatariga ayaa horjoogahaan ku soo dhaweeyay deegaanka Goof Gaduud Buurey ee Gobolka Bakool.
Mukhtaar wuxuu tababar ku soo qaatay deegaanka Kuntu-waarey ee gobalka Shabeelaha Hoose,wuxuuna Jabhadaha ku jirey muddo 3 sano ah.
Dhanka kale Hor-joogahaan wuxuu cafis weydiistay shacabka Soomaaliyeed madaama intii uu ku jirey kooxda Alshabaab uu ka qayb qaatay dagaalo badan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here