Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kulan loogu hadlayay dar-dargelinta Amniga Caasimadda la qaatay Saraakiisha Laamaha kala gedisan ee Amniga. gobolka.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Taliyaha Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidanka Police Millitary ayaa Duqa Muqdisho ugu warbixiyay howlgallada Xasilinta Caasimadda iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin dar-dargelinta Amniga Gobolka Banaadir si loogu hortago dhagarta Cadowga.

Advertisement

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Saraakiisha Laamaha Amniga kula dar-daarmay in la dar-dargeliyo Howlgallada Sugida Amniga Caasimadda, La-dagaalanka Maandooriyaha iyo tabo kasta oo cadowga ku dhibaateyn karo nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

— DHAMAAD —

Previous articleHogaamiye Alshabaab ka tirsanaa oo isku soo dhiibay Dowlada
Next articleSomalilad oo ka hadashay Awdal State

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here