Milatariga Dalka Kenya ayaa la soo sheegayaa inay maanta duqeymo ka gaysteen deegaano hoos taga Magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Geddo gaar ahaan dhanka miyiga.

Duqeymahaan oo aan la soo sheegin khasaaraha ka dhashay ayaa badankood lala eegtay meelo miyaga xiga oo ay ka dhawaayeen dad xoolo dhaqato ah.

Advertisement

Xoogaga Alshabaab ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin deegaano ku dhaw meelaha hada gantaaladu ku dhaceen inkastoo dad shacaba ay ku badan yihiin.

Duqeymahaan ayaa ku soo aadaya xili dalku ku jiro dagaal u dhexeeya alshabaab iyo Dowlada Soomaaliya,iyadoo ciidamada kenyana ay dalka ka joogaan askar ku joogta magaca Atmis hadana qeyb kama aha dagaaladaan oo xerooyinkooda ayay isku difaaca.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleDowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis kala saxiixday.
Next articleXog Mareykanka ,Turkiga iyo Madaxwene Xasan Sheikh oo isla gartay in Xilka laga qaado Mahad Salaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here