Sida lagu cadeeyay war ka soo baxay Xukuumada Soomaaliya waxaa heshiis kala saxiixday labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Heshiiskaan ayaa yimid kadib markii shalay uu Muqdisho soo gaaray Ra’iisulwasaare xigeenka Dowlada Itoobiya kaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay Xamar.

Advertisement

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sharaxay ahmiyada heshiiska ay wada gaareen labada dal,xili heshiiska ay goob joog ka ahaayeen Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac iyo dhiggiisa Dalka Ethiopia Dekeme Mekonnen Hassan

” Shirka maanta waxaa lagu saxiixay labo waxyaabood, heshiiska koowaad waa heshiis ganacsi oo u dhaxeeyo Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia, sidoo kale waxaa la saxiixay (Minute agreementa) ama wada xaajoodkii siyaasadeed ee maanta halkan ku soo idlaaday ayaa la wada saxiixay, runtii waxaan rejeyneynaa ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka faa’idi doonaan boqol iyo kontonka milyan ee shacabka Ethiopia, sidoo kale, allaabo badan oo Soomaaliya ay leedahay ayaa loo iib-geyn doono Dalka Ethiopia, waxyaabaha hadda anaga aan leenahay oo faa’idada inoo leh waxay tahay Kalluunka oo dalka Ethiopia loo iib-geyn doono,” ayuu yiri xoghaye Xamsa oo shir jiraa’idka qabtay heshiiska ka dib.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleWasiir xigeenka arimaha Dibada Somalia “ Wax aan u qaban karno malaha Soomaali markiisii horaba sheegatay dal kale”
Next articleDiyaaradaha Dagaalka Kenya oo duqemyo ka gaystay Gobolka Geddo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here