Dowlada faderaalka Itoobiya ayaa ka hadashay war maalin ka hor Alshaabaab shaaciyeen kaasoo ay guulo kaga sheegteen dagaal dhexmaray iyaga iyo Ciidamada Itoobiya.

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya u fadhiya Mukhtaar Maxamed Waare ayaa saxaafada u sheegay inay warbaahinta ku arkeen sheegashada Alshabaab isagoona beeniyay warkaas.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay dileen 167 askari oo Itoobiyaan islamarkaana ay gubeen gaadiid dagaal.

“Ciidamadeena waxay leeyihiin xirfad sare,Alshabaab xitaa ma awoodaan inay 10 daqiiqo rasaas ku ridaan”ayuu yiri Safiirka.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here