Gudoomiye xigeenka arimaha Bulshada Degmada Owdheegle ee Gobolka Sh.Hoose ayaa ka hadlay Dagaalkii Saaka ka dhacay Degmadaasi kaasoo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Alshabaab.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in kooxda Alshabaab lagu jabiyay dagaalkaasi isla markaana laga dilay 20 dagaalame ,dhankooda wuxuu sheegay inay jiraan dhaawacyo.

“Meydadkooda ayaa daadsan halkii lagu dagaalamaayay,ciidamada Xoogga waxay iska fifaaceen kooxda Alshabaab waxayna uga daba tageen ilaa 10km magaalada meel ka baxsan”ayuu yiri Gudoomiye xigeenka Degmada Owdheegle.

Advertisement

Sidoo kale masuulkaani wuxuu sheegay in Xamar loo soo qaaday  qaar ka mida dadkii shacabka iyo ciidanka isugu jirey ee dhaawacyadu soo gaareen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka kooxda Alshabaab kaasoo ay kaga hadlayeen dagaalka saaka ay ku soo qaadeen Owdheegle..

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

 

Previous articleYuusuf Daba-Geed “Gaal iyo Muslim intaan kaalmeysan karno, anagana aan mowqif mideysan Alshabaab uga saarno inta noo hartay madaama inta badan bariga Hiiraan aan hore uga saarnay”
Next articleDiyaaradaha Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay deegaan ku dhaw Dhuuss-mareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here