Madaxweyne Xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed) oo la hadlayay ciidamo Dowlada iyo dadka deegaanka isugu jirey ayaa ku dhiiri-geliyay inay sii wadaan dagaalka Alshabaab ka dhanka ah.

Daba-geed ayaa  xasuusiyay ciidamada in horaba inta badan bariga Hiiraan looga saaray Alshabaab hadana inta harsan ay tahay inay isku kaalmeystaan.

Advertisement

“Gaal iyo Muslim intaan kaalmeysan karno, anagana aan mowqif mideysan Alshabaab uga saarno inta noo hartay madaama inta badan bariga Hiiraan aan hore uga saarnay”ayuu yiri Yuusuf Daba-geed

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday qaar bulshada ka mida ay wadaan wax ka baxsan arimihii hore loogu heshiiyay sida uu warka u dhigay isagoo tilmaamay in kuwaas la gaarsiiyo in wixii lagu heshiiyay  ay ahaayeen iska xoreynta Alshabaab.

“waxay warka ka bilaabayaan markaan wajiga koowaad ku guuleysanay xaqeena nalama siin,walaalayaal dagaalka anagaa lafaheena isku xoreyneyna, dadka Soomaaliyeedna caddowga ka xoreyneyna” ayuu yiri Yuusuf Daba-geed.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleMaxaa ka jira in howl-galadii ka dhanka ahaa Al-shabaab hakad la gelinayo arimo xasaasi ah oo jira owgeed.
Next articleDowlada oo guul ka sheegatay Dagaalkii Saaka ka dhacay Owdheegle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here