MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa mar kale xanibtay hanti ay leedahay Kooxda Alshabaab waxaana la sheegay inay malaayiin doolar xayirtay.

Lacagta la xanibay oo ah 7 Milyan Doolar ayaa waxaa u dheer 110 akoono ganacsi ah iyo 670 lanbar taleefoon ah.

Advertisement

Dowlada ayaaney ahayn markii ugu horeysay oo ay beegsato takeefoono iyo akoono lacag ugu jirtay dagaalamayaasha Alshabaab,hore ayay dhowr mar sidaas oo kale u fulisay howlgaladaasi.

Dowlada Soomaaliya ayaa talaabooyinkaan waxay u cuskaneysaa Sharciga ka-hortagga lacag-dhaqidda iyo La-dagaalanka maalgelinta argagixisada kaasoo baarlamaanku ansixiyay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleDuqa Muqdisho oo dhagax dhigay Wado loogu magac daray Dal-xoreeye
Next articleMadaxweyne Xasan muxuu kala hadlay Wasiir ka socday dalka Norway+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here