Muqdisho, 06 March 2024: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Dhismaha Wadada Laamiga cusub ee Dalxoreeye, taasi oo isku xireysa Laamiga 21 October ee Degmada Waaberi iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isla markaana dhexmarta Wadada hada loo yaqaano Jaay-ga.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doonno dhismooyinka kusoo xad-gudbay wadadaaan, maadaama dhismaha wadadaan loo qorsheeyay in ay noqoto mid labo dhinac ah, iyadoona muhiim u ah isku socodka iyo isku xirka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Magaalada inteeda kale.

Advertisement

Munaasabadda Dhagax-dhiga wadadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud, Guddoomiyaha Degmada Waaberi, Injineero iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

—DHAMAAD—

Previous articleFacebook, Instagram logins restored following reported outage
Next articleDowlada oo mar kale xayirtay Malaayiin Doolar oo Alshabaab leeyihiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here