Dowlada Somalia ayaa markii ugu horeysay soo fara-gelisay arinta Tahriibayaal ku xayiran Xadka Poland iyo Pelarus, xili ay ku dhibaatoodeen maalmihii ugu danbeeyay.
Waxaa xadka Poland iyo Pelarus ku xaniban Dhalinyaro Soomaali ah oo tiro ahaan gaaraysa 26-30 ruux kuwaasoo doonaya inay galaan dalalka reer Yurub si ay uga helaan nolal dhaanta tii somalia ay ku heysteen.
Qaar kale oo ka mida dhalinyaradan ayaa dhawaan halkaasi ku geeriyooday, dhibaatooyinka tahriibka iyo qabowga dartiis,sidoo kale qaar kale ayaa ku waayay xubnahooda jirka sida lugaha.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Biljamka iyo Midowga Yurub Yoonis Yaasiin Xaashi ayaa u is taagay wax u qabashada Tahriibayaasha Soomaalida, isagoona socdaal ku tagay dalka Poland.
Safiir Yoonis Yaasiin Xaashi wuxuu masuuliyiinta Dowlada Poland kala hadlay sidii loo furdaamin lahaa ama loo bad-baadin lahaa dhalinyaradaasi Soomaaliyeed ee mudaba ku dhibaateysan xadka dalkaasi.
Safiirka wuxuu rajo fiican ka muujiyay in dhalinyaradaasi la sii daayo oo xayiraada laga qaado kadib kulankiisii uu sida gaarka ah ula qaatay saraakiisha dhanka socdaalka ee Poland.
Dhanka kale masuulkaan Wuxuu sheegay  saddex qof oo ka mida tahriibayaasha ay geeriyoodeen intii ay ku  gudaha jireen socdaalkooda inkastoo uusan sii sharixin sababta geeridooda, waxaase loo maleynayaa qabowga sa’idka ee ka jira dalalka ay ku dhex tahriibayaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleSaldhiga Ciidamada Uganda ee Buulo-Mareer oo Weerar culus lagu ekeeyay
Next articleBooliiska Xamar oo soo xirey Haween jir dil u gaystay nin dhalinyaro ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here