Wasaaradda gaashaandhigga dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in howlgalka lagu xoreynayo degaanada Galmudug ay ka qeyb galayaan markii ugu horreysay, ciidamada cirka Soomaaliya oo ay adeegsanaya diyaarado dagaal.
Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, Gen, Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ay ciidamada Soomaaliyeed ay duqeynayaan xarumaha Alshabaab ay kaga sugan yihiin degaanada howlgalladu ka socdaan.

“Waxaan yeelanay ciidan cir iyo dhul oo xoog leh. Waxaa socda diyaaradihii ciidanka cirka Soomaaliya, oo dhallinyaro Soomaaliyeed ay waddo, oo sahminaya oo duqeynaysa. Waxaa jira ciidankii dhulka oo gaadiid badan wata,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga.

Gen. Caanood wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in Alshabaaab dalka laga xoreeyo, oo aan lagu dhaafin meelo yaryar oo ay ku dhuumaaleysanayaan.

Advertisement

Afhayeenka wuxuu sheegay in ay Dowladdu cafis u fidisay cid kaste oo kasoo goosata Alshabaab. Wuxuu sheegay labo maalmood ka hor inay dhallinyaro Shabaab ah iskusoo dhiibeen ciidamada Dowladda ee ku sugan Galcad.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Soomaaliya ayaa wadda gulufkii ugu xoogganaa, iyadoo ciidamada xoogga dalka iyo kuwa macaawisleyda ay kusii siqayaan inay gacanta ku dhigaan guud ahaan gobolka Galgaduud, oo hadda Alshabaab ay kaga sugan yihiin meelo kooban.

Previous articleGuddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka ayaa u yeeray Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumadda
Next articleWar deg deg ah Dagaalo toos oo magaalada Muqdisho ka dhacay xaaladana wali cakiran tahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here