Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qilaf mar kale ka dhashay Qabuuraha Macallin Nuur oo ku yaalla gudaha deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Advertisement

Dadweyne fara badan ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay buux dhaafiyay Qabuurahan, kadib markii loo sheegay in uu soo baxay amar ku aadan in la burburinayo dhulkaasi, wararkaas oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka.

Sidoo kale Arrintan ayaa keentay in durbo dadka qaar oo ka walaacsan xaaladdiisa ay maydadka ehelladooda kala baxaan Qabuurahaasi oo dad badan lagu aasay, illaa 80-tameeyadii.

Dhanka kale, maamulka deegaanka Garasbaaley iyo saraakiisha laamaha amniga oo ka hadlay arrintan ayaa meesha ka saaray inuu soo gaaray amar guud oo ku aadan dhulkaasi la sheegay in la dhisayo taasoo keentay in dadweynaha ay meydadka kala baxaan halkaasi.

Si kastaba, arrintan ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana horay hadlay qoyska reer Macallin Nuur oo beeniyay in arintaas.

Nairobi

Previous articleMacron oo la kulmaya saraakiisha dowladdiisa si uu wax uga qabto dibadbaxyada
Next articleVilla Somalia iyo maamulka Puntland oo wada hadal u bilaawday iyo kulamo hor dhac ah ay ku yeesheen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here