Waxaa si xowli ah ku socda dadaalo dunida muslimka iyo reer Galbeedku ka wada shaqeynayaan oo lagu doonayo in heshiis nabadeed laga dhex sameeyo xamaas iyo Israa’iil si looga hor tago weeraro ka dhaca Magaalada Rafax oo ay degan yihiin shacabkii barakacayaasha ahaa ee  reer Falastiin.

Yuhuuda ayaa ku hanjabeysa inay weerarayaan Rafax hadii aan heshiis degdeg ah laga gaarin dagaalada gaar ahaan waxay dalnamayaan in xamaas soo deyso Yuhuuda gacantooda ku jirta.

Advertisement

Waxaa indhaha lagu hayaa shirar ka kala socda Paris iyo Qaahira kuwaasoo lagu hadal siinayo dhinacyada Xamaas iyo Yuhuuda si nabad looga gaaro dagaalada.

vvv

Hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyeh ayaa ku sugan Magaalada Qaahira ee Xarunta Dalka Masar halkaasuu uu shirar kula leeyahay  ergada dhexdhexaadinta ee Masar.

Madaxda Xamaas inta badan waxaa la sheegaa inay ogol yihiin talaabo kasta oo maslaxad u ah shacabkooda balse inta badan waxaa balamaha ka baxa oo isla weynin uu ka jiraa dhanka Yuhuuda walow xuutiyiinta laftigoodu shuruudo wataan.

Masuuliyiinta Xamaas ee ku sugan Qaahira waxay ka war sugayaan oo ay aragtidooda ku darsanayaan waxa ka soo bixi kara shir la sheegay inuu Paris ka socdo kaasoo xal loogu raadinayo sidii labada dhinac loogu qancin lahaa qodobo ay ku qancaan oo heshiis lagu kala saxiixdo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleMareykanka oo sheegtay inay ka hor tageen gantaalo ka yimid dhanka Xuutiyiinta
Next articleMadaxweynaha Hirshabelle oo xalay shir muhiim ah la yeeshay Wasiiradiisa+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here