War ay Dowlada Mareykanku shaacisay ayay ku sheegatay inay ka hor tageen weeraro ay qorshaynayeen kooxda dagaalamayaasha Xuutiyiinta Yemen.

Taliska Milatariga Marekanka waxay tilmaameen inay soo rideen ama bur buriyeen dhowr diyaaradaha is wada ah ee loo yaqaan drons-ka kuwaasoo xuutiyiintu ku weerari rabeen maraakiib bada cas mareysay.

Advertisement

Sidoo kale Mareykanku waxay sheegteen inay soo hawada ku burburiyeen dhowr gantaal oo xuutiyiintu soo riden si ay ugu gubaan maraakiib.

Dhanka Xuutiyiinta wali kama jawaabin sheegashada Mareykanka ee ah inay ka hor tageen oo bur buriyeen weeraro ka yimid dhanka Xuutiyiinta.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleMaxaa ka jira in Garoomada diyaaradaha Somaliland laga maamulayo Muqdisho
Next articleDunida oo dadaal ugu jirta heshiis laga gaaro dagaalada Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here