Muqdisho: 5/October 2023.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Wasiirka Arrimaha Guduha XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa caawa si wadajir ah u shir guddoomiyay kulan gaar ah oo looga hadlayay dardargalinta horumarinta qaadashada adeega Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed oo si habsami leh u socda.
Shirkan oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose Xamar ayaa waxaa goob joog ka ayaa maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil, iyada oo goobta uu shirkan ka socday lagu soo bandhigay habraaca nidaamka qaadashada Aqoonsiga Qaranka iyo muhiimada uu u lee yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi waxaa uu tilmaamay nidaamka Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed uu muhiimad gaar ah u lee yahay dhismaha Dowladnimada, Horumarinta adeegyada bulshada, Nabadgalyada, iyo xaqiijinta muwaadinnimada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa tilmaamay in maamulka Gobolka uu taageerayo nidaam kaste oo lagu xoojinayo Dowladnimada iyo Amniga Dalka.
DHAMAAD.
XIGASHO WARBAAHINTA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR.
May be an image of 2 people and suitMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 1 person, studying, smiling, glasses and headscarfMay be an image of 2 people, beard, newsroom and daisMay be an image of 1 person, smiling and headscarfMay be an image of 2 people, people smiling and daisMay be an image of 2 people and newsroomMay be an image of 3 people and newsroomMay be an image of 2 people, dais and newsroom
Previous articleMagacyada iyo sidey u kala sareeyaan Saraakiil Alshabaab ka tirsan oo gacanta dowlada ku jira
Next articleMagaca ninka la dhashay Taakeeye ee ku dhintay dagaalkii shabeeloow iyo dhanka uu la safnaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here