=XIGASHO BBC SOMALI=
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Dige ayaa BBC laanteeda Afka Soomaaliga uga waramay waxa uu salka ku hayo isbadalka Muuqaal ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh xili Baraha Bulshada uu qabsaday sawirkaan idiin muuqda oo tintii ay ku baxday Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheikh

Advertisement

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Dige ayaa ugu horeyn ka hadlaya is barbar dhigga madaxweynaha iyo madaxada kale ee caalamka ayaa yiri, “Madaxweynaha waxaa loo igmaday shaqo qaran oo adag, mas’uuliyadaha saran awgood waxaa imaan kara walwalka, iyo murugada ka dhalata awgeed is beddel ayaa ku yimaada, madaxweyneheennana waxa uu madaxda caalamka kaga duwanyahay, shaqada qaran iyo in uu muddo ku sugnaa furin dagaal muddo kabadan labo bilood”.

“Ciidamada xoogga dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab, ayuu kula noolaa, deegaanno ka tirsan Galmudug iyo Hirshabelle ayuu madaxweynuhu ku tagay safarro dhulka ah, madaxweynaha shaqadiisa iyo howsha mugga weyn ee uu hayo oo kaliya ayaa ka muuqata ee waxkale majiraan”, ayuu sii raaciyay Dige.

Waxaa la rumeysanyahay in timaha madaxweynuhu ay ka badanyihiin sidii looga bartay kuwiisii hore, agaasimaha madaxtooyada oo ka hadlaya sababta madaxweynuhu uusan timaha u jaran ee ay ugu bateen ayaa yiri,

“Madaxweynaha waxyaabo badan oo uu awoodo ayuusan sameynin sababo la xiriira ciidamada uu la joogo in uu noloshooda kula noolaado awgeed, goobaha uu la joogo ciidanka meelo ka qabow oo ka qurux badan ayuu heli karaa, laakiin waxa uu tusaale u noqday xaaladda ciidamada iyo dadka deegaanka ee dagaalka ku jira, marka madaxweynaha waxyaabo badan oo uu heli karo iyo wax loo heli karo ayuu ka tanaasulay.”

Madaxweynaha marka uu ciidamada la cunteynayo iyo marka uu dhulka la fadhiyo ama teendhooyinka kula jiro ma weynin kursi qurux badan oo u uku fariisto, ujeedka guud ayaa sidaas ah, timaha madaxweynaha kaliya maahane waxaa jira waxyaabo badan oo is biirsaday sida n madaxweynuhu uu shaqeeyo waqti ka badan intii uu shaqeyn jiray ama in hurdadu ay ku yartahay”.

Marka loo eego caafimaadka madaxweynaha, dad badan ayaa rumeysan in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay lasoo derseen xaalado caafimaad. Waxa uu sidoo kale ka hadlay saacadaha madaxweynaha ay u suura gasho in uu hurdo marka loo eego shaqadiisa.

Guddoomiye Dige oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri, “Madaxweynaha horta caafimaad ahaan, majiraan wax u daran caafimaadkiisa oo uu sameeyo marka loo eego talada dhakhaatiirta,ma jiraan wax kusoo kordhay caafimaadkiisa ama xaalado cusub oo lasoo dersay, laakiin waxa uu shaqeeyaa saacado kabadan intii uu shaqeyn jiray markii uu joogay Muqdisho, xilligaas uu joogay Xamar waxa uu xafiiska soo geli jiray subixii 8-dda ama labo saac illaa habeenkii 10-ka ama ilaa afar saac marmarna kabasii badan, haddana intaas iyo kabadan ayuu shaqeynayay”,

Si gaar ah madaxda caalamka qaarkood waxaa jira in xilliyada ay kasoo muuqanayaan shaashadaha loo mariyo qalabka is qurxinta ee loo yaqaano [Make-up] balse agaasimaha madaxtooyada waxa uu sheegay in madaxweynaha dalka uusan waqti badan ku bxinin howlahaas, balse waxa uu carrabka ku dhuftay in marka uu wareysiyo kaga qayb galayo talefishinnada caalamiga ah ay dhici karto in dad shaqaale ah oo ka howl gala xarumaha warbaahinta ay howlahaas fuliyaan.

XIGASHO BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here