Dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay Deegaanka Shabeeloow ee dhaca Koonfurta Gobolka Mudug ayaa la sheegayaa inuu ku dhintay nin la dhashay Suleymaan Sheekh Axmed Taakeeye oo dhawaan Ciidamada NISA ay gacanta ku dhigeen, isagoo ku eedeysan inuu faafinayay fikirka xag-jirka ah.

Ninka la dhashay Taakeeye ee ku geeriyooday dagaalkii Shabeeloow waxaa lagu magacabaa Daahir Sheekh Axmed waxaana la sheegay inuu ka tirsanaa Macawisleyda Beesha reer Xaaji Saleebaan ee Habar-gidir.

Advertisement

Daahir Allaha u naxariistee waxaa la sheegay inuusan wax  qibrad dagaal ah lahayn,xitaa askari uusan ahayn balse sida BBC-du sheegtay wuxuu waligiis necbaa fikirka kooxda Alshabaab.

Daahir Sheekh Axmedwaxaa sidoo kale idaacadu sheegtay inuu ku soo biiray ciidamada deegaanka ee macawisleyda loo yaqaan kadib markii Madxaweyne Xasan Sheeh fariisinka uu ka dhigtay Magaalada Shuusa-mareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Si kastaba Rabi ha  naxariistee Daahir wuxuu ku dhintay dagaalkii cuslaa ee shalay saacadaha badan dhexmaray Alshabaab iyo dadka deegaanka iyadoo isku dar labada dhinac dagaalkaasi ay ku baxeen in ka badan boqol ruux.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here