Gudoomiye Madaale wuxuu ciidamada ku dhiiri geliyay dagaalka Alshabaab looga soo horjeedo isagoona xusay in hal mar kaliya qofku dhimanaayo.
“Wali ma aragteen qof laba mar dhimanaaya ma iirto,naftu mar bay go’daa marka waqtigaada hakuu noqdo adoo difaacaaya naftaada,maalkaada iyo dadkaada”ayuu mar kale yiri Duqa Muqdisho.
Dhanka kale mar uu soo hadal qaaday cabasho ay soo jeediyeen dadka deegaanka gaar ahaan ceelka biyaha ayuu balan qaaday inta karaankiisa inuu wax ka qabanaayo cabashdaasi.