Wararka laga helaayo Deegaanada Maamul Goboleedka Jubaland ayaa sheegaya in howlgalo milatari oo ka dhan ah Alshabaab laga fuliyay duleedka Magaalada Kismaayo.

Howlgalkaan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Xooogga Dalka gaar ahan kumaandooska Danab iyo Maamulka Jubaland ayay isku fara saareen kooxda Alshabaab oo godad ka qotay  deegaano dhaca galbeedka Magaalada Kismaayo.

Advertisement

Deegaanada Ciidamadu gaareen isla markaana Howlgalada ay ka fuliyeen waxaa ka mida Barjala, Dharkayn urur, Sariiraha, Orgiyow, Yaaq caleen iyo Aboodin.

Sida warbixnta howlgaladan ka soo baxay lagu sheegay Ciidamada ayaa ku guuleystay inay godadka ka saaaraan dagalamayaasha Alshabab ayna u carareen dhanka Magaalada Jilib.

Dagaalamayaal ajaanib ah ayaa la sheega inay ka bar bar dagaalamayeen Alshaabaab xiliga howlgaladani socdeen.

Masuuliyiintu waxay ku eedeeyeen Alshabaab in weeraro ay ka soo qorsheeyaan godadkasi dhulka hoostiisa ah kadibna ay isku dayaan inay ku dhibaateeyaan xerooyinka Ciidamada iyo dadka shacabka ee ku safra wadooyinka howdka.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

May be an image of 2 people and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of treeMay be an image of 3 peopleNo photo description available.May be an image of 3 people, cheetah and grassMay be an image of 2 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 5 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 1 person and jeepMay be an image of 5 people, jeep and textMay be an image of 2 people, cheetah and rhinocerosMay be an image of 2 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 5 people and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 4 people and jeepMay be an image of 3 people and jeepNo photo description available.No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here