Laba nin oo ka mida ah Duqowda Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud kana tirsanaa Kooxda Alshabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ka howlgala xadka Gobolada Galgaduud iyo shabeelaha dhexe.
Labada Odey ee isa soo dhiibay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Cali Maqane & Axmed Cali Gadaf kuwaasoo ka howlgeli jirey Degmada Ceeldheer & Deegaanka Cowswayne.
Dhanka Cowsweyne waxaa Alshabaab wakiil uga ahaa
Axmed Cali Gadaf isagoona si gaara shaqadiisu u ahayd
inuu u keeno Xoolaha Baada ah oo ay ka Doonayaan Dadka ku nool Deegaanka Cowswayne.
Odeyga kale oo isna lagu magacaabo Cali Maqane sidaas oo kale isna wuxuu qaabilsanaa inuu  soo aruuriyo Xoolaha Baada ah Reerkiisa looga dirio,wax badan ayuuna kooxda Alshabaab la soo shaqeeeyay.
Masuuliyiinta Dowlada ayaa dadka iska soo dhiiba dhanka Alshabaab waxaa kaga qorsheysan in dhaqan celin loo diro lamana oga intey qaadan karto in bulshada ama ehelkoodii dib ula midoobaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleAxmed Madoobe oo booqday shacabkii ay roobabku barakaciyeen+SAWIRRO
Next articleGudoomiye Sh.Aadan Madoobe oo Saaka ku wajahan Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here