Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya Illaa 4 qof ay geeriyoodeen  ayaa tiro kalena ay ku dhaawacmeen dagaal maanta ka dhacay magaalada Laascaanood.

Dagaalka  ayaa ka dhacay Aaga bariga iyo waqoooyiga kaga aaddan magaalada, kaas oo bilaabmay Aroortii hore ee saakay.

Advertisement

Dagaalka ka dhacay magaalada Laascaanood  ayaa waxaa uu u dhexeyay Ciidamada Soomaalilnd iyo kuwa degaank ee SSC- Khaatumo Waxaana Bar bar socday duqayn

Ciidamada Soomaaliland ayaa Madaafiic ku duqeeyay xaafadaha Magaalada Laascaanood waxaana ka dhashay khasaare kala duwan sida ay xaqijiyeen saraakiisha Ciidamada SSC Khaatumo oo ku sugan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool .

Goobha la duqeeyay waxaa ka mid ah Dugsi lagu barto farsamada gacanta, xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Telesom, Xarumo kale oo isbitaalkaLaascaanood  iyo Xarun kayd u ah shirkad iibisa Gaaska  iyo guryo Dad shacab ah ay degan yihiin.

Guddiga maamulka SSC ayaa ku eedeeyey in ciidamada Somaliland  in ay weerarku soo qaadeen magaalada iyaguna ay iska difaaceen oo ku celiyeen halkii ay ka soo duuleen.

Previous articleMaamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ka go’an tahay la dagaalanka Musuq-Maasuqa iyo in si adag loola xisaabtami doono xafiisyada
Next articleDhimasho iyo dhaawac ka dhashay Qarax ka dhacay Gobolka Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here