Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa rag hubeysan  magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku dilay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Beerraha ee Dawlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wasiirka la dilay oo lagu magacaabi jiray Xasan Axmed Muudey ayaa dabley bastoolado wadatay waxay ku weerarreen degmada Yaaqshiid oo uu deganaa, sida uu BBC-da u sheegay xubin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle.

Advertisement

Wasiir Muudey ayaa kamid ahaa Golihii Wasiirrada ee xiligii Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka wasiirkii hore ee Beeraha Hirshabeelle Xasan Axmed Muudey.

Illaa hadda hay’addaha amaanka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya kama hadlin dilka galabta ka dhacay degmada Yaashiid ee Gobolkaan Banaadir, ee lagu khaarajiyay Wasiir hore Xasan Axmed Muudey.

Previous articleGuddoonka labada Aqal oo magacaabay xubnaha Somalia ku matalaya Barlamaanka IGAD
Next articleDowladda Soomaaliya oo beenisay in ay Kenya wax wada hadal kala furayso kiiskii Badda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here