Wararka sirdoon ee laga helaayo dagaalada u dhexeeya Yuhuuda iyo Xamaas ayaa isasoo taraya iyadoo warbaahintu marba xogo cusub ka helayaan xiisada bariga dhexe.

Sida uu baahiyay Maracadde show  wiilal ka tirsan dagaal-yahanada Xamaas ayaa weerarkoodii 7-da October ku qaadeen Isra’iil waxaa qeyb ka ahaa howlgal ay ka soo fuliyeen xaruna qarsoon ee sirdoonka Israa’iil.

Advertisement

Xaruntaan oo aad loo amaani jirey waxaa dhismaheeda iska kaashaday reer galbeedka sida Mareykanka iyo UK waxayna basaasaan guud ahaan taleefoonada iyo macluumaadyada wadamada gobolka bariga dhexe iyo Afrika.

Xarunta sidaas loo amaani jirey waxaa si fudu ku galay wiilasha Xamaas iyagoona yaqaanay xaruntaasi qarsoodiga ah.

Waxay gudaha u galeen xarunta oo dhisme adag laga sameeyey sidoo kale loo yeelay ilaalo adag sidoo kale silig koronteysan loo yeelay.

Dagaalyahanada Xamaas waxay gudaha xaruntaan ku dileen Ciidmo badan oo ilaalo ka ahaa kadib waxay ka soo adeegteen xafiisyadii sirdoonku ku shaqeynayay iyagoo soo qaatay feylashii sirdoon ee ay u baahnaayeen iyo qalab muhiim u ahaa kadibna iyagoo nabad qaba ayay ka soo baxeen.

Reer Galbedka iyo Yuhuuda ayaa wali la yaaban sida ay Xamaas ku ogaatay xaruntasi oo ku taal dhul beereed ay hore uga xoogeen Falastiin,sidoo kale waxay la yaaban yihiin awooda iyo taatikada meeshaas lagu galay,sidoo kale waxay la yaabeen sida ay xamaas u soo dhinac martay saldhigyo badan oo ku hareereysna xarunta Musaad islamarkaana ay si toosa u soo abaareen xaruntii dunida dhan buun buuninayen taasoo fadeexad ku noqotay Yuhudda.

XAFIIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Headquarters of the Mossad in Tel Aviv, Israel (Google Maps)

Previous articleMadaxweyne Xasan iyo Danjiraha Britain oo shir wada qaatay
Next articleDagaalada Goos goos ah ee Xisbullah iyo Isra’il oo qarka u saaran inuu waji kale yeesho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here