Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis.

Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa diiradda waxaa lagu saaray horumarinta iskaashiga istaraatiijiyadeed ee UK iyo Soomaaliya, wax ka qabashada saameynta El Niño, iyo u diyaargarowga shirweynaha caalamiga ah ee cunnada kaas oo lagu wado in dhawaan uu ka dhaca dalka Ingiriiska.

Advertisement

Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ugu mahadceliyey soo dhaweynta uu ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka.

Boqortooyada Ingiriiska waxa ay ka mid tahay dalalka xiriirka wanaagsan kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya, waxa ayna ka taageertaa dhanka dhismaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo arrimaha Beni’aadannimada.

Previous articleCiidamo iyo Gaadiid dagaal oo gaaray deegaanka Shabeeloow
Next articleFADEEXAD WEYN: Xamaas oo ka soo adeegatay xarunta sirdoonka Israa’iil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here