Ciidamo dheereed ah oo wata gaadiid dagaal ayaa gaaray deegaanka Shabeeloow ee Koonfurta Galmudug halkaasoo ay fariisin cusub ka sameystay.

Ciidamadaan oo ay hor kacayaan saraakiil ayaa wararka sida aan ku helnay waxay qorsheynayaan inay halkaasi dagaaladii dib uga bilaabaan si loo sii wado howlgalada ka dhanka ah alshabaab.

Advertisement

Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh ka tagay Magaalada Dhuusa-mareeb waxaa yara hakaday dagaaladii u sida xowliga ahaa uga socday deegaanada Maamulka Galmudug.

Madaxweynaha intuu joogay Galmudug waxay ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka Galmudug ku guuleysteen inay deegaano iyo degmooyin badan ka saaraan gacanta kooxda Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleCiidamada NISA oo soo qabtay gacan ku dhiiglihii dilay Taliyaha Guriceel walaalkiis
Next articleMadaxweyne Xasan iyo Danjiraha Britain oo shir wada qaatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here