Guriceel (dayniiile.com)-Ciidamada Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku soo dhigay nin ay ku sheegeen inuu yahay gacan ku dhiiglihii dhawaan Magaaladaani ku dhex toogtay nin la dhashay taliyaha Guriceel.

Gudoomiyaha Degmada Guriceel Faarax Cabdi Macalin ayaa saxaafada u sheEgay inay ka soo qabteen duleedka Guriceel  meel duur ah oo ay adag tahay sida uu sheegay in xitaa xog laga helo qof halkaasi ku dhuuntay.

Advertisement

Ninkaan la soo qabtay ayaa dhawaan goob ganacsi wuxuu ku dhex dilay marxuum C/laahi Cali Huudeey oo la dhashay Taliyaha Booliiska Magaalada Guriceel.

Laamaha amaanka waxay cadeeyeen inay sharciga hor keeni doonaan eedeysanahaan oo magaciisa lagu sheegay C/Salaam islamarkaana lagu ciqaabi doono falkii uu gaystay mid u dhigma.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleShacabka Carbeed oo dagaal dhaqaale ku bilaabay reer Galbeedka.
Next articleCiidamo iyo Gaadiid dagaal oo gaaray deegaanka Shabeeloow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here