MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gaadiidka booyadaha iyo cagafyada Maamulka Gobolka Banaadir oo is kaashanaya ayaa xalay biya ka dhumin iyo ka saarid ku sameeyay wadooyinka ay biyaha galeen.
Qeybo ka mid ah Biyo Qabadyada iyo goobaha ay roobka biyo dhigeen ee Magaalada Muqdisho ayay shaqada ugu badan ka sameeyeen Dowladda Hoose ee Xamar.Magaalada Muqdisho ayaa leh wadooyin iyo xaafado caan ku ah inay yihiin biyo mareeno iyo fadhiisid intaba kuwaasoo hadii aan degdeg wax looga qaban isku socodka dadka iyo gaadiidkuba eber uusan shaqeyn karin.

Masuul u hadlay Maamulka Gobolka Banaadir ee dhanka Bulaacadaha ayaa saxaafada kula hadlay xalay xaafada ceel-qaow ee degmada Wada-jir oo ka mid meelaha biyuhu fadhiistaan ayaa sheegaya in duqa Magaalada uu ku amray inay shaqadaas qabtaan ,iyaguna ay diyaar u yihiin sidii looga bartay inay bulshada u adeegaan

“wadadaan  waa hal-bowle waxay xiriirsaa degmooyinka wada-jir ,kaxda iyo dharkeenleey ,waa wado muhiim ah oo bulshadu adeegsato sida ardeyda iyo dadka xamaasha”ayuu yiri masuulkaasi u hadlay Gobolka Banaadir.

Advertisement

Dhanka kale wuxuu sheegay masuulkaani inay wadooyin badan fureen isla xalay waxa harsana ay saaka djameystirayaan.

wuxuu ka digay in dadka mar kasta sameeya inay qashinka roobka  raaciyaan iyagoo ka faa’iideysanaya.,wuxuu xusay inay kaamirooyinka dib u raaci doonan lana soo qaban doono kuwa kaamirada laga arkay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.

 

 

 

 

Previous articleWaa kuma Orod-yahanka uu Madaxweyne Xasan gudoonsiiyay Bilad Sharafta+SAWIRRO
Next articleMadaxweyne xigeenka Puntland oo furey Shirweynaha 5-aad ee Warbaahinta Puntland +SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here