Muqdisho, Abriil 21, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhiirigalinaya Halyeey Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ku guuleystay Billadda Qalinka ah ee tartanka orodka 5000 mitir ee Ciyaaraha Guud ee Qaramada Afrika ayaa ku maamuusay Billadda ugu sarreysa ciyaaraha dalka oo uu ku mutay guusha taariikhiga ah ee uu usoo hooyay dalkiisa.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Orodyahan Cabdullaahi sida kartida, wadaniyadda iyo kalsoonida leh ee uu fagaarayaasha caalamiga ah ugu matalay dalkiisa, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay garab taagan tahay.

“Cabdullaahi Jaamac waxa uu ka mid yahay Xiddigaha usoo iftiimaya Qaranka. Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa in Cabdullaahi gaaridoono hiigsigiisa waqti dhow si la mid ah halyeey Cabdi Bile Cabdi, waxa ayna dowladdiisu ku abaalmarindoontaa wax kasta oo ay awooddo”.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan dhiirigalinta iyo taageerada halyeey Cabdullaahi Jaamac Maxamed, si mustaqbalka dhow uu guulo ka sarreeya middan ugu soo hooyo Qaranka.

DHAMMAAD
May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 4 people, beard and daisMay be an image of 2 people, television and textMay be an image of 1 person, dais and text that says "FEDERAAL"May be an image of 5 people and tableMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 6 people, newsroom, dais and text
Previous articleWiil uu dhalay Lafti-Nagaa oo la dilay
Next articleGaadiidka Maamulka Gobolka Banaadir oo xalay biya ka saarid ku sameeyay laamiyada roobabku biya dhigeen +Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here