Nairobi (dayniiile.com)- Ciidamada Booliiska Kenya ayaa xabsiga dhigay gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Ubax Cabdi iyo laba nin kale  markii ay taageere u muujiyeen shacabka reer Falastiin.

Xariga kadib waxaa qeyo dhaan afka furteen Siyaasiyiinta iyo ururada xuquuqul insaanka taasoo keentay in Xabsiga laga sii daayo Gabadha Soomaaliyeed Ubax Cabdi.

Advertisement

Yuusuf Xasan oo ah Xikldhibaan laga soo doorto Xaafada Islii ee Nairobi ayaa cambaareeyay falkaasi booliisku ku dhaqaaqay ee gabadha Soomaaliyeed xoriyada looga qaaday.

Sida Bbc-du sheegtay Gabadha Soomaalida ah iyo labada nin kale waxaa la qabtay kadib kulan ay isku gaar yeeleen kaasoo ay kaga hadlayeen qadiyada reer falastiin.

“Booliska Kenya waxay xabsiga u taxaabeen Imaduddiin Ahmed, Muhammad Musa, iyo Ubax Cabdi oo lagu qabtay Cheche Books, waxaa loo xiray kulan ay ku yeesheen meel gaar ah oo ay kaga hadlayeen xasuuqa Qaza, bal qiyaas taas!” sidaasi waxaa yiri Boniface Mwangi oo ah nin u dooda xuquuda dadka mar uu la hadlayey warbaahinta maxalliga ah.

Booliiska Kenya ayaa dhawaan joojiyay mudaaharaad hore oo ay kooxdu ku qorsheysay bannaanka safaaradda Mareykanka kadib ayay u badasheen kulankaasi sababay in la soo xiro dadkii iskugu yimid oo ay ku jirto Gabadha Soomaaliyeed waxaana kulankaasi soo  qaban qaabiyay guddiga midnimada Falastiiniyiinta Kenya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleCiidamo Booliis ah oo la kala dhex dhigay Beelihii ku dagaashanaa Caddalle
Next articleMaxay ka dhigan tahay laba maalin kadib in Atmis ku faanto inay amniga Madaxweyne Xasan sugayeen intii uu joogay Xudur iyo Baydhabo?+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here