Nageeye Cali Khaliif, ayaa ururka AS ku biiray sannadkii 2017-dii. Usoo wareegashadii uu koonfurta usoo wareegtay keddib ayuu si rasmi ah uga mid noqday kooxda AS. Inta uusan ku biirin ka hor wuxuu ahaa mid la dhacsan hanaanka ay kooxdu ku shaqeyso.

Safarkii ugu horreeyay ee Nageeye uu ku tago wilaayaadka AS ayaa dhacay sannadkii 2016. Isagoo si toos ah uga mid noqon ururka ayuu booqday dhulka kooxda ay ka taliso. Qeyb ka mid ah booqashooyinkii uu ku tagay wilaayaadka ayuu ku daabacay buuggiisa Dibad Wareeg.

Advertisement

Nageeye ayaa mar weliba oo uu tago wilaayaadka soo qaadan jiray casharo kala duwan. Casharada Nageeye lagu soo siin jiray wilaayaadka waxaa ka mid ah, duruusta amniga, ilaalinta siraha. Mar danbe ayaa Nageeye lagu daray mid ka mid ah mucaskaraadka ay kooxdu ku tababarto dadka sida gaarka ah ay kooxdu u daneeneyso.

Naaneesta Qori Xarago ayaa loogu waqlalay markii lagu daray mucaskarka. Magacyada kale ee gudaha ururka looga yaqaan waxaan ka xusi karnaa Shaaciru Shimaal, Xuddeyfa Al-Shimaali, Walaal Anas, Zubeyr Lixle, Khaliif Nadaara.

Nageeye wuxuu ururka usoo qabtay howlo kala duwan oo uu wakiil uga ahaa. Maadaama xilligaas aysan dowladda soomaaliya ka shaki qabin, waxaa u suurta gashay inuu dhex dabaasho laamaha dowladda. Isagoo AS ka tirsan ayaa lagu martiqaadayay madaxtooyada soomaaliya iyo shirarka ay soo abaabusho dowladda.

Nageeye wuxuu xubin ka soo noqday laanta xog aruurinta iyo dabagalka u qaabilsan kooxda AS. Wuxuu basaasi jiray wax weliba oo ay kooxdu u dirto. Wuxuu jaamacadda Umadda ku talaalay unugyo kooxda AS ka tirsan, oo qaab ardannimo ama macalinimo ku yimid.

Nageeye wuxuu qeyb ka ahaa tobanaan howlgalo amni oo magaalada muqdisho ka dhacay. Hadda wuxuu ka tirsan yahay Maktabka Siyaasadda iyo Arrimaha Gobolada. In sidii Macallin ilkacase oo kale loo kashifo ayee kooxda AS ka baqatay

Cabsi aheyd in la ogaado ayaa sababtay in loo soo wareejiyo wilaayaadka. Waa nin cabsan afkaarta wadannimada ah. Dhanka diinta maahan shaqsi ku fiican. Markuu wilaayaadka tagay Waxaa lagu abaalmariyay gaari cusub oo Toyota Land Cruiser ah.

Waxaa Qorey: Maxamed Luqman

Previous articleLafta-gareen “Xabadihii shalay buurhakaba ka dhacay magaalo dhan Alshabaab waa uga xoreyn karnay”
Next articleAxmed Ducaalle Xaaf oo ka soo hor jeestay qorshaha Dowlada ee reerkiisa looga saarayo dhulka Dowlada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here