MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Askari Dowlada ka tirsan   ayaa si bareer ah wuxuu gurigiisa ku toogtay xalay afurkii Allaha u naxariistee Mahad Max’ud Axmed (Mahad Boorow) oo ahaa Guddoomiyihii ciyaaraha degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Maanta ayuu u geeriyooday Gudoomiyaha  dhaawicii ka soo gaaray toogashadii shalay waxaana lagu wadaa in isla maanta la aaso ayna ka soo qeybgalaan ehel iyo asxaab.

Advertisement

Askatiga gacan ku dhiiglahaa waxaa la sheegay inuu ka carooday kadib markii shalay galab ciyaar ka socotay garoonka xarunta Degmada uu Gudoomiyuhu ka kiciyay askariga qeybta VIP.

Xiligii afurkii soo dhawaa ayuu isagoo qorey wata wuxuu tagay guriga Gudoomiyaha kadibna qoyskiisa ayuu ku dhex toogtay.

Ehalada iyo asxaabta Gudoomiyaha la dilay ayaa dalbanaya inay Dowlada Soomaaliya la helaan cadaalad.

Sidoo kale Taliska Booliiska Degmada waabari ayaa lagu wadaa inuu talaabo qaado, maxkamadana soo taagaan gacan ku dhiiglaha

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleKumaandooska Danab oo Howlgalo ka sameeyay xadka Galgaduud iyo Sh.dhexe+SAWIRRO
Next articleMaxay ka wada hadleen Ra’iisul-wasaare Xamze iyo Madaxa UNHCR+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here