Muqdisho, 20 Maarso 2024:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hey’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR) Xafiiskeeda Soomaaliya Mr. Charles Mballa.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxa Hey’adda Qaxootiga UNHCR ee Soomaaliya, ayaa ka wada hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool gudaha dalka iyo sidii howlaha gargaarka ee ay ka wadaan Soomaaliya loogu beddeli lahaa mashaariic horumarineed, si xal waara loogu helo dhibaatooyinka sababa barakaca.

Advertisement

Mudane Xamsa ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in howlaha ay hey’addu ka fuliso dalka lagu saleeyo arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda, isaga oo intaas raaciyey in loo diyaar garoobo saameynta ka dhalan kara roobabka, maadaama uu nagu soo foolleeyahay xilli roobaadkii.

Mr. Charles Mballa ayaa dhankiisa ballan-qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan hey’adaha kala duwan ee dowladda, si loo xaqiijiyo arrimaha mudnaanta leh ee ay ka wada shaqeynayaan labada dhinac.

Previous articleGudoomiyihii Ciyaaraha Deg.Waaberi oo lagu dilay hub Dowladu leedahay
Next articleDal Carbeed oo rajo ka muujiyay Xabad joojin ay gaaraan Xamaas iyo Israa’iil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here