DOXA (DAYNIILE.COM)- Dowlada Carbeed ee Qadar oo ka mida dalalka badanaaba dhex dhexaadiya Xamaes iyo Yuhuuda ayaa rajo fiican ka muujiyay heshiis dhawaan laga gaari doono Dagaalka Gaza ka socda.

Majed Al-Ansari oo ah Afhayeenka Wasaarada arimaha dibada Qadar ayaa saxaafada la wadaagay inay rajeynayaan hehsiis xabad jooiin iyo maxaabiis is dhaafsi isugu jira.

Advertisement

Taliyaha Sirdoonka Yuhuuda ayaa Doxa ku sugan isagoo ka qeybgalaya kulamo lagu doonayo in lagu gaaro xabad joojin.

Wararka ku dhaw wada hadalada socda ayaa muujinaya qorshaha heshiisku lagu daray gar gaar la gaarsiinayo Gaza iyo in xabad jooiintu noqoto mid socota 6 asbuuc.

Israa’iil iyo Xamaasba waxay heshiiska isku dhaafsan doonaa maxaabiista ay kala haystaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMaxay ka wada hadleen Ra’iisul-wasaare Xamze iyo Madaxa UNHCR+Sawirro
Next articleXulka K/cagta Somalia oo Caawa la ciyaaraya Xulka Eswatini

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here