Weydiimo iyo su’aalo ayaa ka dhashay shaqo ka maqnaashiyaha Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo markii ugu dambeysay fagaare shaqo lagu arkay dhowr toddobaad kahor.

Advertisement

Raysal wasaaraha oo ku maqan safar dibeda lama shaacin sababaha maqnaashiyihiisa, halka uu jiro, iyo xitaa xilliga uu kusoo noqonayo shaqada.

Xildhibaan Danjire Cali Saciid Fiqi oo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, haddana xubin ka ah baarlamaanka federaalka ayaa ku tilmaamay ‘wax aan caadi ahayn oo aan horey u dhicin’ in Raysal wasaare ka maqnaado xafiiska shaqada toddobaadyo xilli ay Soomaaliya ku jirto mid ka mid ah waqtiga ugu mashquulka badan, oo baarlamaanku ka doodayo wax-ka-bedelka lagu muransan yahay dastuurka federaalka.

Labo madaxweyne oo hore Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, raysal wasaare hore Xasan Cali Khayre, iyo dowlad goboleedka Puntland ayaa kasoo horjeeda qorshaha wax-ka-bedelka dastuurka.

Aaway Raysal wasaraaha iyo halkee se ku maqan yahay?

Raysal wasaare Xamse ayaa markii ugu dambeysay ee lagu arko fagaaro waxay ahayd 28kii Janaayo xilligaas oo uu ka qeybgalay daahfurka mashruuca la xiriira caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, iyo gargaarka oo laga hirgeliyay Muqdisho.

Mashruucaas oo ay ku baxeyso lacag dhan afartan milyan oo doolar waxaa maalgeliyay Xarunta Boqor Salmaanka Sacuudi Carabiya.

Xafiiska Raysal Wasaaraha oo aan dhowr jeer siyaabo kala duwan ula xiriirnay kama aysan jawaabin weydiimaha la xiriira shaqo-maqnaashiyaha Raysal wasaaraha, halka uu jiro, waxa uu ku maqan yahay, iyo xilliga la filayo in uu kusoo noqdo xafiiska.

Laakiin tiro xildhibaano ah oo kala duwan, xubno kale oo xukuumada la shaqeeya iyo danjireyaal waxay inoo sheegeen in Raysal wasaaraha ka safray dalka maalinkii xigay furitaanka mashruuca Sacuudi Carabiya oo ku began 29kii Janaayo.

Waxay tilmaameen in Raysal wasaarahu dhoofay wax yar kadib markii isku-shaandheyn kooban ku sameeyay Golaha Wasiirada, oo lagu soo biiriyay labo xildhibaan oo loo kala magacaabay Wasaaradda Beeraha, iyo Wasaarada Howlaha Guud.

Xildhibaan Cali Fiqi iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin iyo xubno kale oo ku wehliya baarlamaanka, danjireyaal iyo xubno kale oo la shaqeeya xukuumada ayaa u sheegay BBC inay siyaabo kala duwan u ogaadeen in Raysal wasaarahu ku maqan yahay Turkiga, laakiin ma jirto cid si rasmi ah ugu sheegtay waxa uu maqan yahay.

Laakiin xubno kale oo ka tirsan xafiiska Raysal wasaaraha iyo xukuumada waxay inoo sheegeen inay ogyihiin oo lagu wargeliyay maqnaashiyaha Raysal wasaaraha oo ay ku tilmaameen in uu ku jiro fasax, laakiin waxay ka gaabsadeen inay bixiyaan xog intaas dhaafsan.

Xildhibaan Cali Fiqi waxa uu ku tilmaamay Raysal wasaaraha in laga filayo in uu yahay qofka ugu mashquulka iyo shaqada badan dowladda ee maamulaya howlaha golaha wasiirada iyo shaqooyinkooga oo dhan.

“Shaqo-ka-maqnaashiyaha Raysal wasaaraha waa in la shaaciyaa oo la la wadaago shacabka, iyo xitaa sababaha, iyo haddii ay wax kale jiraan,” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Laakiin sharciyaqaan Sakariye Yuusuf oo ka mid ah xubnihii wax-ka-qoray sharciyada iyo dastuurka Soomaaliya waxa uu BBC u sheegay in Raysal Wasaaraha iyo Madaxweynaha aysan midna u baahneyn inay fasaxooda loo sheego dadweynaha haddii ay fasax uga maqan yihiin shaqada.

“Raysal wasaarahu waa qaadan karaa fasax uu shaqada uga maqnaanayo oo ah mid nasiiso ama caafimaad. Umana baahna in uu xafiis kale oo dowladeed weydiisto idan, ama uu wargeliyo dadweynaha,” ayuu yiri sharciyaqaan Sakariye, oo intaas ku daray in uusan xeerka shaqaalaha iyo maxkamada shaqaalaha aysan midna qeexeyn fasaxyada Raysal wasaaraha, iyo sida uu u qaadanayo.

la mid ah, madaxweynaha, guddoomiyeyaasha baarlamaanka, iyo guddoomiyaha maxkamada sare ayaa qaadan kara fasax ay shaqada uga maqnaanayaan sababo nasiino ama kuwa caafimaad ayuu yiri Sakariye.

Sakariye waxa uu intaa ku daray in dalalka dimoquraatiga ah iyo kuwa sharciyadu sarreeyaan oo ay xisbiyadu ka shaqeeyaan, in inta badan xisbiyadu ku qasbaan madaxweyneyaasha iyo raysal wasaareyaasha inay shaaciyaan sababaha fasax ee ay shaqada iyo xafiiska uga maqnaanayaan, si loo dhowro magaca iyo sharafta xisbiyada siyaasadeed oo dhiirigelinaya daahfurnaanta iyo isla xisaabtan.

Inta la ogyahay dhowr kulan oo ay xukuumadu yeelatay inta uu dalka ka maqan yahay Raysal wasaare Xamse iyo kulamo kale oo shaqo, waxaa guddoominayay Raysal Wasaare xigeen Saalax Axmed Jaamac, oo lagu tilmaamay in uu ku-sime u yahay Raysal wasaaraha.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur galbeed, Xildhibaan Fiqi waxa uu sheegay in Golaha baarlamaanka ay dalban karaan Raysal wasaare xigeenka uu horyimaado baarlamaanka si uu uga jawaabo maqnaashiyaha Raysal wasaaraha, iyo waxa uu ku maqan yahay, haddii ay soo-jeedinta dooda arrinkaas la xiriira ay saxiixaan toban mudane oo ka tirsan baarlamaanka, ama xitaa in la la sugo Raysal wasaaraha inta oo kasoo noqonayo markaas oo ay baarlamaanku u yeeri karaan.

Laakiin lama filayo inay taasi dhacdo hadda, maadama xubnaha baarlamaanka naftoodu ay ku badan tahay dhaqanka shaqo-ka-maqnaashiyaha oo ay marar badan kulamadoodu u baaqdeen markii ay soo-xaadiri waayeen tiro kulan kooramka kulamada.

Laakiin Axmed Cabdi Kooshin oo ka tirsan Golaha Shacabka waxa uu BBC u sheegay in aan wax weyn loo arkin shaqo-ka-maqnaashiyaha Raysal wasaaraha, isaga oo sheegay in shaqada xukuumadu weli socoto.

“Raysal wasaarahu waa bani’aadam fasax u baahan kara, ama yeelan kara daruufo kale oo uu shaqada uga maqnaan karo,” ayuu xildhibaan Kooshin. Waxa uu intaa raaciyay in aysan jirin wax hakad ah oo ku yimid howlaha xukuumada, taas oo keeni kara in la isweydiiyo sababaha maqnaashiyaha Raysal wasaaraha.

“Dadka oo dhan waa ogyihiin in Raysal wasaarahu maqan yahay, shaqadana waxaa wada Raysal wasaare xigeenka,” ayuu sheegay xildhibaan Kooshin oo intaas ku daray in safarka dibeda iyo shaqo ka-maqnaashiyaha Raysal wasaaraha in aysan ahayn arrin u baahan dood baarlamaan.

Laakiin Xildhibaan Fiqi oo arrintaas uga aragti duwan waxa uu dibad-ku-maqnaashiyaha Raysal wasaaraha ku tilmaamay inay xitaa abuuri karto khatar amniga qaranka ah, isaga oo sheegay in Raysal wasaaruhu noqon karo baylah maadaama aysan la joogin ciidanka ilaalada Soomaaliya, oo amnigiisu ku tiirsan yahay dowladda dalka uu martida ku yahay.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Previous articleMadaxweynaha oo kulan dhiiri gelin ardey ah kaga qeybgalay Madaxtooyada+SAWIRRO
Next articleMadaxweyne Xasan “Isma qaadaneyso Xeebta ugu dheer Afrika iyo aqoon yarideena dhanka Cilmiga Badda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here