Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle oo ay wehlinayaan Masuuliyiin SoDMA ka tirsan ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxda Hay’adda Save the Children u qaabilsan Switzerland, Sweden, iyo ku simaha Seve the children ee dalkeena.

Hay’ada  SoDMA ayaa  la wadaagtay madaxda Xafiisyadaan howlaha ay hay’adda ay ka wado digniina hore ee Khatarta roobka gu’ga iyo u diyaar garoowga Khatartaan.

Shirkaan waxaa lagu ballamay in lagu daro mashaariicda dalka laga hirgalinayo bixinta iyo casriyeenta digniinaha hore taas oo muhiimada tahay sidii ay fariimaha digniinaha u gaari lahaayeen xili hore dadka loogugu talagalay , in laga wada shaqeeyo si wadajir ah oo ay ka qayb qaateen taageerada hay’addaha caalamiga ah iyo Sidii looga dhafi lahaa taageerada bulshada kuwooda ugu nugul ee haweenka iyo caruuta ugu horeeyaan kuwaas oo mudnaan u leh in ay gaarto digniinta hore.
=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=
May be an image of 4 people, hospital and text that says "торасе to-face"May be an image of 2 people, newsroom and textMay be an image of 10 people and text that says "Face T6ace to face C-U ."May be an image of 4 people, hospital and text that says "торасе to-face"
Previous articleWariye Xuseen Cabdulle oo dib u helay xoriyadiisa
Next articleRa’iisulwasaare xigeenka oo xilalka uu kula wareejiyey Wasiir cusub iyo mid hore+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here