Caruurtu waxa ay ku Hamiyaan waxa ay ka arkaan Dadka ka waaweeyn ee Deegaanku cidda ay xushmeeyaan ama ka cabsadaan.

1.Japan Caruurtu waxa ay arkaan Bulshada oo Xushmeeynee Qof soo saaray Qalab cusub oo Electronic ah.
2.China waxa ay jeclaadaan Engineer Dhisayo Buundo ama Kaabad.
3.Korean, waxa ay jeclaadaan Nin Horuumarinayo Ganraalada Dalka.
4. Brazil, khabiir dhinaca Beeraha.
5. Khaliijka Nin leh Hanti badan iyo Gaadiidka Raaxada.
6.Talyaaniga Ciyaartooy kubadda.
7.Africa inta badan Nin ku caan ah Heesaha iyo ku Ciyaaridda Muusikada.

Advertisement

8.Somaliya, Ciyaalku waxa ay leeyihiin Himilo ah Dadka Bulshada la fiican ama ay ka cabsadaan.
Waxa ay ku Haminayaan Mustaqablka in ay Naqadaan Siyaasi, Xildhibaan ama Masuul kale oo ku labisan isku joog, wato Buurso yar oo Lacagi ugu jirto. Ama in uu noqdo Nin Ciidan ah oo ay daba socdaan ilaalo laga baqo.

Mustaqabalka waxaan sugeeynaa Dhalinyaro dhaxasho Siyaasiyiinta Guurguurto ee somalida, Hogaamiye Kooxeedyo, Hantiile Hantida ummadda ku xarakoodo, Aqoonyahan la kireeyto. Iyo…. . ( F.S:1-2aad)

Dhalinta Maanta aan u abuurno Himilo Berri iyaga iyo Dalkaba Anfacdo. Waa iga talo.

Qore:Yahya Amir

Previous articleDowlada Turkey oo maanta sharci cusub ka soo saartay Tahriibayaasha
Next articleGudoomiye Aadan Madoobe muxuu kala hadlay Safiirka Talyaaniga+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here