Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dalka Talyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Marion Dacco Coppi.

Kulanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo danjiraha dalka Talyaaniga Mudane Pier Marion Dacco Coppi ayaa ahaa mid isbarasho iyo kala warqaadasho ah, maadaama safiirka uu cusub yahay.

Advertisement

Kulanka ayaa looga hadlay sidii Dowladda Talyaaniga ay kaalin muuqata uga qaadan laheyd tayaynta iyo horumarinta Golaha Shacabka, waxaana uu ammaanay doorka Baarlamaanka Soomaaliya ka qaatay ansixinta shuruucda muhiimka u ah qaranka.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa Dowladda Talyaaniga ku bogaadiyay kaalinta weyn ee ay ka soo qaateen dib u dhiska dalka.

DHAMAAD

Previous articleHimilo sidee ah
Next articleBooliiska SSC Khaatumo oo gacanta ku soo dhigay burcad hubeysan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here