ISTANBUL (DAYNIILE.COM)-Dowlada Turkiga ayaa soo saartay sharci cusub oo xakameynaya Tahriibayaasha dalkaasi usii mara inay dalal kale uga gudbaan.

Sharcigaan oo dhaqan galaya maanta oo taariikhdu tahay 15 Apriil 2024 ayaa ku qasbaya qof kasta oo dalkaasi taranset ku sii maraya inuu wato viisaha Electronica ah.

Advertisement

Dowladaha kale ee reer Yurub iyo Laatiin Ameerika ayay tahriibayaashu uga sii gudbaan iyagoo sii maraya garoonka weyn ee Istanbul.

Sharcigaan wuxuu saameynayaa Soomaalida oo ka mid ah ama ugu badan dadka tahriibka ku si mara Dalka Turkey gaar ahaan Istanbul.

Talaabadan ay qaaday Turkey ayaa yimid kadib markii Dowladaha tahriibka loo aado ay cabasho iyo dhaliilba soo gaarsiiyeen Dowlada Turkey.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleTaliye ku xigeenka CIidanka Dhulka oo kormeer ugu tagay kumaandooska Gor-gor+SAWIRRO
Next articleHimilo sidee ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here