AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Ciidamo Dowlada ka wada tirsan ayaa la soo sheegayaa inay maanta isku rasaaseeyeen Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Iska hor imaadkaan ayaa sababay khasaare nafeed oo soo kala gaaray dhibacyada iyo shacabka.

Advertisement

Dhimashada waxaa lagu sheegay seddex ruux halka dhaawucuna yahay 8 ruux kuwaasoo loola cararay isbitaalada.

Dagaalkaan sababay khasaaraha intaan la eg ayaa ka dhashay kadib markii ciidamo jagboynti  joogay iyo kuwa wadada maraayay ay kala shakiyeen sidaasna isku rasaaseeyeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleMaxkamada racfaanka oo xukun ku riday masuuliyiin musuq maasuq ku eedeysnaa
Next articleMadaxweynihii hore ee Somalida Itoobiya oo dib u helay xoriyadiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here