Waxaa jirta aragtiyo kala duwan oo la isku hayo taasoo salka ku heysa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ma isagoo dhaawaca ayuu dagaalka sii hagi doonaa mise wuu ka yara nasan doonaa tan iyo inta caafimaadkiisu ka soo hagaagayo.

Waxaa mowduuc kale ah Dhuusa-mareeb ma aadayaa lacala haduu go’aansado inuu isagoo dhaawaca dagaalka sii wado sida hadaba uu u diiday inuu shirkii Dalalka Islaamka ka baaqdo.

Advertisement

laakiin aan sii wadano cinwaanka qormadeena, waxaa aad u xoogan in Madaxweynuhu intey la ekaataba uu ka nasan doono arimaha dagaalka iyo ka fikirkooda arimo caafimaad darteed iyo talooyinka dhaqaatiirta.

Sidoo kale waxaa iyana jirta dad badan oo qeybaha bulshada ah oo aaminsan in Xasan Sheekh sidii looga bartayba uu noqon doona qof shaqadiisa ku ad-adag, waxayna kooxahaani daliishanayaan in Madaxweynuhu naftiisa hurey bilihii uu ku sugnaa dhuusa-mareeb sidaas darteedna uu shaqadiisa ugu yaraan Villa somalia ka wadi doono hadey talo tahay iyo hadey hadal saxaafadeed oo dhiira geina  tahay.

Qolada aaminsan inuusan shaqada ka fariisaneyn oo aan yareyn ayaa aamisan in hadii uu nasto oo uu masuuliyiin kale u xilsaaro hagida dagaalada inay taasi furdsad u noqon doonto Alshabaab.

Hadaba adiga akhristaha maxaad aaminsan tahay oo fikirkaagu yahay inuu aqalkiisa hoosta ka soo xiran doono iyo inuu isagoo dhaawacan uu shaqadiisa sii wadan doono.

=QORMADAAN WAXAA QOREY WARIYE SUUD-MAQAATE=

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleXubinnimada EAC Waxay Soomaaliya iyo Gobolkaba u Horseedi Doontaa Waa Cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo ah
Next articleShacabka Carbeed oo dagaal dhaqaale ku bilaabay reer Galbeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here