Munaasabad xariga looga jarayey Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar xaruntiisa labaad ee degmada Heliwaa (Ex Al-Nuur Eye Hospital) ayaa lagu qabtay xarunta Isbitaalkaas ee degmada Heliwaa, magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Waxaa munaasabadan oo si heer sare loo soo agaasimay ka qeyb galay, Maamulka degmada Heliwaa, Odayaasha, dhalinyarada iyo qeybaha bulshada degmadaas, iyo waliba maamulka sare ee Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar.

Advertisement

Xiriiryaha Isbitaalka Dalmar qeybta cusub ee degmada Heliwaa Dr. Maxamed Axmed Aadan (Deefaw) oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in Isbitaalka markii hore uu qaabilsanaa daweynta iyo qaliinka Indhaha, haatanna la ballaariyey laguna soo kordhiyey qaybaha daawaynta cudurrada guud, haweenka, carruurta, Ilkaha, Qaliimada iyo qeybo kale oo bulshada degaanku ay baahi weyn u qabeen, isagoo u mahad celiyey maamulka Isbitaalka oo aqbalay in xarunta Heliwaa dib loo howlgeliyo iyadoo intii hore ka ballaaran.

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Dalmar Prof. Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna kulankaas ka hadlay ayaa xusay in baahi jirtay iyo codsi ka yimid dadka deegaanka awgeed ay sababtay in dib loo howlgeliyo Isbitaalka Dalmar qeybtiisa Heliwaa.

“Maanta waxay ii tahay farxad wayn inaan mar kale dib u hawlgelinno Isbitaalkii Al-Nuur Heliwaa oo hadda loo baddalay faraca labaad ee Isbitaalka taqasusiga iyo tacliimiga ah ee Dalmar, sannadkii 1998 ayey aheyd markii ugu horeysay ee halkaas laga furay xiligaasoo haatan laga joogo 25 sano ama rubuc qarni, marxalado badan ayuu soo maray, wuxuuna xilligaas ahaa isbitaalka Soomaaliya oo dhan looga yimaado daaweynta iyo qaliinka Indhaha, nasiib darro duruufo iskugu jiray dagaallo iyo amni darro awgeed muddo badan ayuu xirnaa, waxaana maanta ku faraxsanahay inaan xariga ka jarno isagoo sidii hore ka ballaaran, laguna soo kordhiyey dhaqaatiir taqasusyo kala duwan leh iyo qalab casri ah” ayuu yiri Prof. Dalmar oo ku dheeraaday taariikhda, waxqabadka iyo marxaladaha uu soo maray Isbitaalka.

Waxaa uu intaa ku daray in adeegyada Isbitaalka ay ka faa’iideysan doonaan degmooyinka dhaca woqooyiga iyo W/bari ee magaalada Muqdisho oo goobaha Caafimaadka ay ku yar yihiin marka loo eego magaalada inteeda kale, isagoo xusay in shacabka ay ka heli doonaan adeeg caafimaad oo 24 saac ah & dhaqaatiir kala duwan ay ka mid yihiin, daaweynta iyo qaliinka indhaha, sifeynta kelyaha, haweenka iyo dhalmada, carruurta, Qaliimada guud iyo kuwa qurxinta, qeybta cunaha dhegaha iyo Sanka, Ilkaha, sheybaar, qeybta gargaarka deg deg, farmaashi iyo dukaanka ookiyaalaha iyo qeybo kale.

“Hadii aad isbitaalkan timid waxay ka dhigan tahay adigoo qeybteenna kale jooga, waxaan ugu talo galnay in shaqooyinka bilowga ah ee bukaannada halkan loogu qabto, haddii loo baahdana loo wareejiyo qeybteenna kale iyadoo aysan jirin khidmad dheeri ah oo la weydiin doono, maadaama labada qeybood uu ka dhexeeyo hal System ama hal nidaam oo ay ku wada shaqeeyaan, sidoo kalena dhaqaatiirta oo aan aniga ugu horreeyo waxaan ballan qaadayaa inaan halkaan iman doonno, kuna shaqeyn doono insha ALLAH” ayuu yiri Prof. Dalmar

Taliye ku-xigeenka Booliska degmada Heliwaa Maxamed Cabdulle Geesey iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta, odayaasha iyo qeybaha bulshada degmadaas oo ka hadlay munaasabada ayaa soo dhoweeyey furitaanka xarunta cusub ee Isbitaalka qeybta Heliwaa oo ay sheegeen iney ku soo beegantay xili dadka degaanku ay baahi weyn u qabeen, iyagoo balan qaaday iney la shaqeyn doonaan Maamulka iyo dhaqaatiirta Isbitaalka, waxayna u mahad celiyeen Prof. Dalmar tallaabada uu ku hirgeliyey Isbitaalkii Al-Nuur Heliwaa.

 

Previous articleDuqa Muqdisho oo Damaanad qaaday Caafimaadka Wiil Qaranka Dartiis u nafoobay
Next articleWasaarada Waxbarashada oo mar kale qaadaneysa 3-kun macalimiin cusub ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here