QAZA (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan 50 qof ayaa lagu dilay qaar kale oo badana waa la xiray weerar ay Israa’iil ku qaaday isbitaalka al-Shifa ee marinka Gaza,

Xamaas ayaa sheegtay in gardarrada ka dhanka ah rayidka aysan shaqeyn doonin,  Dhexdhexaadiyaha Qatar ayaa sheegay in ay si taxadar leh u rajo qabaan ka dib markii ay bilowdeen wadahadalo aan toos ahayn oo u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil si ay xabad joojin uga gaaraan Gaza.

Advertisement

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Falastiin ayaa cambaareysay duqeymaha isa soo taraya iyo burburka ay ciidamada Israel ka geysteen magaalada Rafah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in la qaado tallaabo degdeg ah oo looga hortagayo macluusha ka jirta waqooyiga Gaza.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

 

Previous articleMuxuu ahaa ujeedka kulanka Nairobi ee Hantidhowrka Somalia iyo Sweden+Sawirro
Next articleYuusuf Daba-geed oo xilka u kala wareejiyay Laba Wasiir+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here